Duqeyn ka dhacaday Koofuta DalkaYemen oo dad ku dhinteen .
Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- Ku dhawaad 15 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-Qaacida ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen duqayn ay gaysteen diyaarado la aaminsan yahay inay leeday dowlada Maraykanka oo ah kuwa aan cidna wadin taasi oo ka dhacday koonfurta dalkaasi Yemen.
Sarkaal ka tirsan mucaaradka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in afar ruux oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaasi ay ka tirsanaayeen ururka Al-Qaacidada dalkaasi Yamen.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka la dilay uu sidoo kale ka mid ahaa hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee gobolka Abyan ee koonfurta dalkaasi Abdul Monem al-Fahtani.
Faahfaahinta waxaa dhacay ayaan wali cadayn in kastoo la sheegayo in laba gaari oo ku safrayeen isla markaana ku sii jeeday magaalada Lowdhar duqeynta lala beegsaday.
Si kastaba hogaamiyaha Mucaaradka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in saldhigyo ay gacanta ku hayeen ururka Al Qaacida oo ahayd meelo iskuulaad ah ayna ku kulmi jireen xiliyada habeenkii Masuuliyiin Al Qaacida ay dhacdadu ka dhacday.
Kooxahani ayaa bilaabay inay gacanta ku dhigaan gobolka Abyan ee koonfurta dalkaasi sanadkii tagay in kastoo ay ciidamada amaanka dalkaasi ay isku dayeen inay gadaal uga rixaan dagaalyahankaasi hase yeeshee ay soo gaareen guuldarooyin aad u culus.