Published on January 28, 2012 by Idaajaa · No Comments
28.January.2012:- Gudiga doorashada iyo xuduudaha ayaa helay lacag gaaraysa 11.4 bilyan oo shilling lacagtaasi oo loogu tala galay doorashada guud ee soo socota .
Lacagta ay u baahanyihiin Gudiga doorashada iyo xuduudaha ayaa waxa ay dhantahay 14bilyan oo shilling iyada oo dowlada ay bixisay qayb ka mid ah lacagtaasi oo dhan 11.4 bilyan shilling .
haraadiga kale ee soo hartay oo dhan 2.5 bilyan oo shilling ayaa waxaa bixin doona deeq bixiyayaasha oo ilaa iyo iminka bixiyay 2 bilyan oo shilling .
Gudiga doorashada ayaa waxaa culays wayn lagu saarayaa gudaha iyo dibadaba in ay xaqiijiyaan in doorashada guud oo ah tii ugu horaysay tan iyo intii ay dhaceen rabshadihii doorashada 2007-dii ay noqoto mid si xaq iyo xor ah u dhacda .
Howlaha ugu muhiimsan ee gudiga doorashada iyo xuduudaha hor yaala isla markaana u baahan in laga taageero ayaa waxaa ka mid ah isbadalo lagu sameeyo shuruucda doorashada ,xadaynta xuduudada ,diiwaan galinta codbixiyayaasha ,howlaha doorashada ,wacyi galinta bulshada iyo ka hortagida carqaladaha iyo isku duba ridka geedi socodka doorashada .
Gudoomiyaha gudiga doorashada iyo xuduudaha ayaa ugu baaqay xisbiyada siyaasada in ay hormariyaan nabada iyo wada jirka dadka Kenyaanka si looga hortago xiisado.
16.February.2012:- Xoghayaha guud ee ururka COTU Francis Atwoli ayaa canbaareeyay siyaasiyiinta wada ololaha tartanka madaxwaynanimada ee waqtigiisii laga ...
06.February.2012:- Weeraryahanka Xulka Qaranka Netherlands iyo Kooxda Reer Germany ee Schalke Klaas-Jan Huntelaar ayaa sheegay inuusan ka shalaynaynin ka ...