Dowlada oo Dhaqaatiirta ugu baaqday in ay dul qaad mujiyaan dalabkoodana la tix galin doono.
Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- Dhaqaatiirta dalka ayaa loogu baaqay in aysan ku dhaqaaqin wax shaqa joojin ah isla markaana dowlada ay dhaqan galin doonto heshiiskii ay dhaqaatiirta la gashay .
Wasiirka adeega caafimaadka Prof ANyang yongo ayaa ugu baaqay dhaqaatiirta in ay sabar muujiyaan isla markaana ay dowlada ka shaqaynayso xalinta waxyaabaha ay tabanayaan.
Dhaqaatiirta wadankaayaa dhawr maalin ka hor ku hanjabay in ay shaqa joojin ku dhaqaaqi doonaan muda hal asbuuc ah gudihiisa hadii aysan dowlada dhaqan galin heshiiskii ay shaqada ugu laabtaan .
Ururka ay ku bahoobeen dhaqaatiirta dalka ayaa ku eedeeyay dowlada in ayada oo mudo 6 tadabaad ah laga joogo xiligii heshiiska la gaaray hadana aysan dowlada fulin qodobadii lagu heshiiye .
Wasiirka adeega caafimaadka Mr Yongo ayaa isaga beeniyay in aysan dowlada dhaqan galin waxyaabihii lagu heshiiyay isla markaana waxa uu sheegay in dowlada ay ka go’antahay dhaqan galinta dhamaan arimihii lagu heshiiyay.