Dowlada Kenya oo beesha caalamka u gudbinaysa culayska ay qaxootiga soomalida ah ku hayaan .
Published on January 26, 2012 by Idaajaa · No Comments
26.January.2012:- Dowlada dalka Kenya ayaa u gudbinaysa bisha soo socota beesha caalamka dhibaatada iyo culayska ay ku hayaan dadka qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xarooyiinka Dadab.
Wasiirka amniga gudaha Pro George Saitoti ayaa waxa uu sheegay in madaxwayne Kibaki uu hogaamin doono ergo balaaran oo ka qayb gali doonta kulanka uu marti galinayo raisul wasaaraha Biriten ee looga hadlaayo arimaha soomaaliya isla markaana lagu wado in uu qabsoomo 23 bisha soo socota .
Saytooti ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in kulankaasi ay ka soo jeedin doonaan arimo badan oo ay ka mid tahay dhibaatada Alshabaab oo uu sheegay in ay dhibaatadooda ka talaawday gobolka bariga africa .
Wasiirka amniga gudaha ee dalka ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad badan oo ajaaniib ah oo wadamo fogfog ka yimid isla markaana ku biiraya xarakada alshabaab.
Pro George Saitoti ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dhibaato badan oo ay ka mid tahay amaanka ay qaxootigaan faraha badan ee soomaalida ay ku hayaan dalka Kenya.