Deeqdaan ay dowlada Japan siisay wasaarada hormarinta gobolada Waqooyi ayaa waxaa loo isticmaali doonaa in sare loogu qaado sidii ay dadka ku dhaqan gobolka waqooyi uga soo kaban lahaayeen abaartii ku dhufatay sanadii aanu soo dhaafnay .
Heshiiskaan oo uu wasaarada hormarinta gobolada waqooyi u saxxiixay xoghayaha joogatada ah ee wasaarada ayaa waxa uu xoghayaha sheegay in mashaariicda lacagtani lagu fulin doono ay ka mid tahay mashaariicda waraabinta,biyaha iyo sare u qaadida soo kabashada xoolaha .
Taageeradaan ay dowlada Japan siisay wasaarada hormarinta gobolada waqooyi ayaa waxaa mashaariic looga fulin doonaa sadax Counti oo kala ah Marsabet ,Turkana iyo galbeedka Pokot .
Sanadii aanu soo dhaafnay ayaa gobolka waqooyi iyo goobaha oomanaha ah waxaa ku dhuftay abaar galaafatay xoolo badan oo ay ku tiirsanaayeen dadka degaanadaasi.