Agaasimaha guud ee hay’ada IOM oo maanta lagu wado in uu booqasho ku yimaado dalka Kenya.
Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- Agaasimaha guud ee hay,ada caalamiga ah ee socdaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo (IOM) William Swing ayaa lagu wadaa in maanta uu booqasho hal maalin qaadan doonta ku yimaado dalka Kenya .
Mr william ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Nairobi waxa uu kulamo xiriir ah la yeelan doonaa saraakiil sarsare oo dowlada ka tirsan, madaxda hay’adaha QM iyo danjirayaasha dalalka Japan iyo Maraykanka .
Booqashada uu agaasimaha hay’ada IOM ku imaanayo dalka Kenya maanta ayaa qayb ka ah booqasho uu ku kala bixin doono wadamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Sudan .
socdaalka Mr wilyam Swing ayaa waxa uu uga gol leeyahay in la sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala ah, hay’ada caalamiga ah ee socdaalka ,Dawlada Dalka Kenya ,hay’adaha QM iyo Danjirayaasha.
Kenya ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee xubin ka noqday qaarada Africa hay’ada IOM 24- bishii may 1985-kii ayay Kenya Ku birtay Ha’ada,waxa ayna kenya iyo IOM ay wada saxiixdeen heshiiskii iskaashiga ee rasmiga ahaa 26-kii bishii march 1982-dii .
Hay’ada socdaalka caalamiga ah ee IOM ayaa gacan ka gaysatay dib u dajinta dadka qaxootiga ee ku jira xarooyinka Dhadhaab iyo la dagaalanka dhoofinta bina’ aadamka .