Xukuumada Jubba oo ka digtay dagaal ka dhaca koonfurta dalkaas.
Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Dowlada Cusub ee koonfurta Suudaan ayaa waxaa ay ka digtay in dagaal uu ka dhex qarxi karo laba beelood oo dega degaanada koonfureed ee dalkaasi.
Kumanaan dadka Murlaha ah ayaa shalay oo jimca ahayd ka qaxay guryahoodii magaalda Obibo, kadib markii ay ku soo duuleen lix kun oo maleeshiyaad hubaysan ah ,islamarkaana u dhashay qabiilka Luwa luweer la yiraahdo.
Maleeshiyaadka hubaysan Ee Luwa Luweerka ayaa waxaa ay dalbanayaan in dib loogu soo celiyo haween iyo caruur lagaga qafaashay weerar qabiilka Murluhu ku qaadey degaanadooda bishii August ee la soo dhaafay.
Qaramada Midoobey ayaa shalay Ciidamo dheeraad ah oo xoojin ah u dirtay degaanadaasi si ay u badbaadiyaan dadka shacabka ah,balse xukuumada Jubba ayaa ka digatay in ciidamadaas aysan ku filnayn ka hortagida colaada laga cabsi qabo in ay ka dhex qaraxdo labadaas qabiil.