Ururka ay ku bahoobeen shaqaaalaha dowlada oo ku hanjabay shaqa joojin .
Published on December 7, 2011 by cabdulaahi · No Comments
07.December.2011: Ururka ay ku bahoobeen shaqaalaha dowlada ee loo soo gaabiyo COTU ayaa waxaa ay ku hanjabeen in ay abaabuli doonaan shaqa joojin guud oo ay ka qayb galaan guud ahaan shaqaalaha iyo mataatuulayda Dalka 19-ka bishan aanu ku guda jirno hadii aysan dowlada hoos u dhigin qiimaha shidaalka boqolkiiba 30.
Xoghayaha guud ee ururka COTU Fransis Atwooli ayaa waxa uu sheegay in dadka Kenyanka ah uu ka batay culayskii qiimaha noolasha iyo waliba sicir bararka oo hada gaaray 19.72 boqolkiiba.
Mr Atwooli iyo gudoomiyaha ururka ay ku bahoobeen mataatuulayda dalka ayaa waxaa ay sheegeen in ay warqad u qoreen madaxwayne kibaki iyo ra’isul wasaare Odinga.
Sidoo kale Atwooli ayaa shaaca ka qaaday in shaqa joojinta ay bilaabmi doonto 19-ka bishan aanu ku guda jirno.
Fransis Atwooli ayaa waxaa uu hada ku baaqayaa in la kala diro gudiga xadeynta qiimaha shidaalka oo uu sheegay in ay ku guul daraysteen wax ka qabashada qiimaha shidaalka dalka
Waa bishii 11-naad ee uu muran ka taaganyahay qiimaha noocyada shidaalka kala duwan oo si aad ah u sareeya.