Published on December 19, 2011 by Idaajaa · No Comments
19.December.2011:- Dadka xaafada Islii ayaa waxaa loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan nadaafada guud ee xaafada .
Gudoomiye ku xigeenka gudiga gacansatada xaafada Islii Xusseen Aar ayaa ku eedeeyay dadka xaafada in ay iyaga masuul ka yihiin nadaafad darada xaafada islii isla markaana loo baahanyahay in ay nadaafada ku dadaalan.
Mr Aar oo u waramayay Idacada Starfm ayaa waxa uu sidoo kale ku eedeeyay hoteelada xaafada Islii in ay qayb ka yihiin nadaafad darada isaga oo sheegay in qashinka aysan u dhiibin gawaarida qashinka qaada laguna daadiyo qashinkooda goobo aan loogu tala galin .
Gudoomiye ku xigeenka gudiga Ganacsatada xaafada Islii ayaa dhanka kale dadka xaafada ugu baaqay in ay goostaan laysimada ganacsiga maadaama sanadka uu dhamaaday isga oo farta ku fiiqay in laysimo badan ay xafiiska dhooban yihiin kuwaasi oo dadkii lahaa aysan qaadan.