Madaxweyni Kibaki oo jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Madaxweynaha wadanka Kenya oo galabta Aqalka madaxtooyada ka jeediyay Khudbatiisa sanad laha ah ayaa waxa uu ka hadlay arimo fara badan.
Kibaki madaxweynaha Kenya ayaa marka ugu horeysay siwayn ugu nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay midnimada iyo wada shaqeynta isagoo dhamaan qaybaha kala duwan ee Siyaasiyiinta ugu baaqay inay midoobaan kana shaqeeyaan midnimada dalka.
Madaxweynaha ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wax badan isbadeli doonaan sanada Cusub,waxa uuna xusay in doorashada ay imaan doonto ayna dhamaan doonto waqtikeeda, laakiin waxa uu sheegay in wadanka uu baaqi sii ahaanayo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhaman shacabka dalka sidii wacneed ee ula shaqeeyeen intii uu hayay xilka madaxweynanimada.
Waxa uuna sidoo kale balan qaaday in la bixin doono Gaararka lagu codeeyo, dhalinyarada gaartay qaadashada sharciga dalkana ay heli doonaan.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ka hadlay dhanka barnaamijyada arimaha Bulshada ,sida Wax barashada iyo Caafimaadka,
“maanta,waxaan haysanaa wax barasho Bilaash ah oo ay ku ladayaan dhalinyaro badan oo ka mid kuweena,taas oo siinaysa Fursado fiican,oo ay ku hormnaraan Mustaqbalka”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in la hormarinaayo barnaamijyada caafimaadka.
Dhanka kale madaxweyne Kibaki ayaa Khudbadiisa kusoo hadal qaaday arimaha amaanka iyo hawlgalada ay ka wadaan Somaliya.
Waxa uuna ugu baaqay in si isla mid ah loo xasuusto loona duceeyo wiilasha iyo gabdhaha labisan daraeska ciidamada ee Hawlgalada ka wada Somaliya.
Waxa uuna u duceeyay taageero balaarana u muujiyay ciidamadaasi dagaalka kula jira maleeshiyada shabaabka.
Waxa uuna intaasi raaciyay in ciidamadaasi ay iminka nafsadooda u hureen sidii ay u badbaadin lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed ee mudada kabadan 20-ka sano ku jiray dagaalada iyo macluusha.
Madaxweyne Kibaki ayaa ugu dambeyntii waxa uu baaq usoo jeediyay wadamada afrika oo uu sheegay inay muhiim tahay inay muujiyaan wada shaqeyn iyo taageero dhab ah.
17.May.2012;- Wiil uu dhalay wasiirka maaliyada Njeru Githae ayaa saakay isku dilay xaafada Runda,ee magaalada Nairobi.
Wiilkani uu dhalay ...
17.May.2012:- Wasiirka cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Eugene Wamalwa ayaa waxa uu sheegay in inka badan 4 milyan oo ...
17.May.2012;- Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Axada soo socota xisbiga uu doonayo in ...
17.May.2012:- ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay xalay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Kenolo ...
17.May.2012:- Dowlada ayaa cadaysay in dalka uu ka jiro gabaabsi dhanka talaalka BCG oo ah Talaalka Caruurta ee ...
16.May.2012:- Madaxwaynaha dawlada Kmg ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka warbixiyay Kulankii Shalay ay Golaha amaanka ...
16.May.2012;- Booliiska magaalada Mombasa ayaa baaritaano ku haya weerarkii Bambaano ee xalay lagu qaaday goob Club ah oo ...
16.May.2012;- In ka badan 100 qoys ayaa ku gurya beeshay dab ka kacay qayb ka mid ah xaafada ...
15.May.2012;- Gawaarilayda Xarada Qaxootiga ee Kaakuma ayaa waxa ay cabasho ba'an ka muujiyeen sicirka shidaalka oo sare u ...
15.May.2012:- Inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay sadex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Qarax xoogan ...
16.May.2012:- laacibka Cusub ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa sheegay inuu sugi la'yahay safashada kulamada kooxdiisa Cusub.
Podolski ayaasi ...
15.May.2012:- Naadiga ka dhisan Carriga Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa inay sii laba laabto dadaalka ay ku doonayso ...
15.May.2012;- Ciyaaryahanka dhanka Garabka kaga ciyaara Kooxda Lille Eden HazardAyaa si rasmi ah ugu celiyya inuu xili ciyaareedkaan ...
15.May.2012;- Wakiilka Weeraryahanka Kooxda AC Milan Ibrahimovic ayaa sheegay in xidigaasi uu sii joogayo kooxda Reer Talyaani ee ...
15.May.2012;- Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa sheegay inuu siwayn ula dhacsanyahay hanaanka iyo awooda ciyaareed ee ...
HEESTA MAANTA
VIDEO