Madaxweyne Kibaki oo maanta lagu wado in uu jeediyo khudbadiisa sanad laha ah.
Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Madaxweynaha jamhuuriyada dalka kenya Mwia kibaki ayaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah in uu Aqalka Madaxtooyada ka jeediyo Khudbadiisa sanad laha Ah, taasi oo ugu talagalay dadweynaha.
Kibaki ayaa jeedin doona Khudbadiisa sacada marka ay tahay 4:00 P.M ee Galabnimo iyadoo laga sii dayn doono Telefishinada iyo idaacadaha dalka Ku yaala.
Dhinaca kale Dolwada Kenya ayaa waxay ku dhawaaqday in 2-da bisha January ay tahay maalin fasax ah guud ahaan dalka oo dhan,iyadoo sanadka cusub uu ku beeganyahay 1-da bisha January oo ku beegan maalinta Axada Ah.