Hogaamiyaha cusub ee kuriyada Woqooyi oo loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada dalkaasi.
Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Hogaamiyaha cusub ee kuuriyada woqooyi Kim-Jong-Un ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha guud ee ciimada qalabka sida ee dalkaasi.
Talaabadaan ayaa ka dhigaysa in Mr Kin-JOng-Un uu si rasmi ah gacanta ugu dhigay Awooda dalka woqooyiga kuuri kadib geeridii aabihii.
Ciidamada qalabka sida ee kuuriyada woqooyi ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay ka badanyihiin hal milyan oo askari oo rag iyo dumarba isugu jira ,
Hogaamiyahan da’da yar ee kuuriyada Woqooyi ay yeelatay ayaa waxaa horyaala arimo badan oo culays ah kuwaasi oo ay kamid yihiin ,Qorshaha Nuyuklayrka ee dalkaasi oo meesha ka saaray xiriirkii kuuriyada woqooyi ay la lahayd reer galbeedka.