Published on December 23, 2011 by Idaajaa · No Comments
23.December.2011:- Kobaca dalxiiska dalka ayaa sare u kacay boqolkiiba 17%, sida lagu sheegay qiimaynta 10-kii bilood ee ugu danbaysay ayada oo daqliga ka soo xarooday uu dhanyahay 82bilyan shiling Kenya.
Wasiirka dalxiiska Najiib Balaala ayaa waxa uu sheegay in waaxda dalxiiska dalka ay si aad ah u kobacday sanadkan marka loo eego sanadii 2010kii.
waxa uu intaa ku daray in dalxiiska uu yahay tiirka ugu wayn ee dhaqaalaha dalka .
Balaala ayaa waxa uu farta ku fiiiqay in dalxiiska uusan ahayn oo kali ah meelaha xeebta balse sidoo kale meel waliba oo dalka ka mid ah dalxiis laga dhigi karo .
Raisul wasaare Raila Odinga oo isna ka hadlayay dalxiiska ayaa sheegay in dalxiisku uusan ahayn duur joogta iyo waxa la midka ah balse dhaqanka xitaa uu yahay dalxiis.