Dowlada Masar oo sheegtay in la joojin doono weerarada loo geysto dadka dimuqoraadiyada ka shaqeeya.
Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Masuuliyiinta Amaanka dalka Masar ayaa waxaa ay u xaqiijiyeen QM iyo dowlada maraykanka in la joojin doono weerarada ay ciidamada Amaanka ku galaan xafiisyada kooxdaha u dhaqdhaqaaqa dimuqoraadiyada iyo bini’aadinimada ee dalkaasi ka shaqeeya.
Sidoo kale waxa ay sheegeen masuuliyiinta Amaanka in xafiisyadaasi dib loogu celin doono hanti dhawaan ay ka qaateen ciidamada amaanka dalkaasi ,xafiisyadaas la dhibaateeyay ayaa waxaa ku jiray labo hay’adood oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.
Ciidamada Amaanka dalka Masar ayaa maalintii khamiista waxa ay xoog ku galeen xafiisyada ilaa iyo 17- NGO oo ku yaala magaalada Qaahira ,iyagoo islamarkaana ka qaatay qalabkii yaalay xafiisyadaasi.
Golaha Xukumada dalka Masar ayaa waxaa ay ku eedeeyeen hay’adahaas maxaliga ah in ay soo faragiliyeen Arimaha dalkaas masar iminka ka taagan,taasi oo ay sheegeen in aysan ogolaan doonin fargilin dibadeed oo dalkooda lagu samayo.