Dowlada Dalka kenya oo beenisay In askar badan looga dilay Qooqaani.
Published on December 30, 2011 by Idaajaa · No Comments
30.December.2011:- Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya tirada dhabta ah ee ku dhimatay dagaal culus oo xalay ciimada dalka kenya iyo kooxda Alshabaab ku dhexmaray magaalada Qooqaani ee dalka Soomaaliya.
Ciidamada difaca dalka kenya ayaa waxa ay sheegeen in hal askari oo kaliya uu uga dhintay dagaalkaasi ,laakiin Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in dagaalkaasi ay uga dishay ciidamada dalka kenya 12 askari.
Bayaan ay soo sareen ciimada Militeriga ayaa lagu beeniyay sheegashadaasi Alshabaab ay ku sheegteen in ay askar badan uga dileen ciidamada kenya dagaalkii xalay ka dhacay Qooqaani .
Waxa ayna sidoo kale bayaankaasi lagu sheegey in ay duqeen u geesteen fariisimo ay leeyihiin Alshabaab ay ku dileen ilaa iyo shan dagaal yahano Kooxda Alshabaab kuwa kalena ay uga dhaawaceen.