Dhaqaatiirta dalka oo xaqiijiyay in gabar shalay Kenyatta ku dhimatay uusan geerideeda sababin cudurak Ebola.
Published on December 23, 2011 by Idaajaa · No Comments
23.December.2011:- Dhamaan shaybaaradii baaritaanka ku sameeyay dhiigii laga qaaday gabar 29 ahayd oo shalay ku dhimatay isbitaalaka qaran ee Kenyatta ayaa meesha ka saaray in geerida gabadha uu sababay cudurka Ebola.
Natiijada Dhaqaatiir ka kala socotay machadka cilmi baarida caafimaadka iyo xarunta xakamaynta cudurada, kuwaasi oo baaritaan ku sameeyay dhiiga gabadha geeriyootay ayaa waxa ay sheegeen in aysan dhiiga ku arkin wax muujinaya cudurka Ebola amaba cudurada la xiriira .
Agaasimaha wasaarada caafimaadka dadwaynaha Dr Shahnaz shariif ayaa waxa uu sheegay in baaritaankii ay sameeyeen dhaqaatiirta uu muujinayo in dhiiga laga qaaday gabadha uusan ku jirin wax vayris ah oo ku saabsan cudurka Ebola amaba cudurada kale ee la xiriira .
Dhanak kale 3 qof oo si karantiil ah loogu hayay isbitaalka Kenyatta kuwaasi oo iyagu gabadha dhimatay waday ayaa isbataalka saakay laga saary.
Dr shahnaaz ayaa saxaafada u sheegay in gabadha dhimatay oo ka shaqaynaysay Hotel laga yaabo in dhiigii ay matagaysay uu ahaa aalso.
Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in inkastoo iminka dhiiga gabadha laga waayay cudurka Ebola hadana ay wasaarada xaalada qiimayn doonto oo aysan ka seexan doonin .