Dadwaynaha oo maanta ka war dhowraya baaritaan gabar ku geeriyootay Kenyatta oo looga shakiyay cudurka Ebolo.
Published on December 23, 2011 by Idaajaa · No Comments
23.December.2011:- Dadwaynaha Reer Kenya ayaa waxa ay maanta ka war dhowrayaan natiijada hordhaca ah ee ku saabsan sabbata dhalisay dhimashadii gabar 29 jir ahayd oo shalay ku geeriyootay isbitaalak Kenyatta .
Gabadhani ayaa lagu arkay calaamado la mid calaamadaha lagu garto cudurka Ebolo .
Koox dhaqaatiir ah oo ka kala socota isbitaalak Kenyatta ,wasaarada caafimaadka dadwaynaha iyo faya dhoorka iyo macadka cilmi baarida caafimaadka ayaa shalayto dhiig ka qaaday gabadha geeriyootay si loo xaqiijiyo cudurka ay u geeriyootay in uu Ebola yaha iyo in kale .
Haweenaydani ayaa ku geeriyootay isbitaalka Kenyatta shalay wax yar uun ka dib markii halkaasi la soo gaarsiiyay ayada oo dhiig ka waday meel waliba oo jirkeed duleesha .
Dhaqatiirta ayaa sheegay in cudurka Ebolo lala wadaago calaamadahani isla markana aan lagu dagdagi karin in ay haweenayda u dhimatay cudurkaasi dilaaga ah .