Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Amaanka dalka kenya ayaa siwayn loo adkeyay ,iyadoo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal Argagixiso inta lagu guda jiro maalinta barita ah dabaal daga sanadka Cusub ee 2012ka.
Ciidamada Dhulka, Kuwa badda iyo Ciidamada Cirka ayaa ku jira heegan kii ugu dambeeyay si looga Hortago falal amaanka wax u dhimi kara .
Afhayeenka police-ka ayaa sheegay in amaanka siwayn loo adgeeyay ka hor dabaal daga sanadka cusub si looga hortago weeraro ay qaadaan Kooxda Alshabaab ama taageerayaashooda,
Magaalada caasimada ah ee Nairobi,iyo magaalooyinka xeebaha Ku yaala sida Mumbaasa ayaa si gaar ah loo xoojiyay Amaankooda .
Dadka shacabka ah ayaa loogu baaqay in wixii ay ka shakiyaan ay ku wargeliyaan Ciimada Amaanka.