Published on December 31, 2011 by Idaajaa · No Comments
31.December.2011:- Mucaaradka dalka Syria ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Amaanka dolwada Syria ay dileen ugu yaraan 35-qof,mar ay raasaas ooda uga qaadeen kumanaan dad ah oo dhigayay banaanbax dowlada looga soo horjeedo.
Magaalooyinka Hama ,iyo Darca ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhacday toogashadaas la sheegay in ciidamada Amaanka Syria ay u geysteen dadka dowlada ka soo horjeeda.
mucaaradka siiriya ayaa waxaa ay ku andacoodeen in ciidamada Amaanka ay is hortaageen kumanaan dad ah oo doonayay in ay ku hor banaan baxaaan Kormeeriyaasha ka socda Ururka Jaamacada Carabta ee booqanaya dalkaasSyria.