Wariya u dhalatay dalka Ruushka oo si toos ah hawada ugu jirtay qaab tilmaan ah ku ceysay madaxweynaha mareykanka.
Published on November 28, 2011 by cabdulaahi · No Comments
28-11-2011:-Gabar wariye ah oo u shaqeysa TV- laga leeyahay dalka Ruushka ayaa la kulantay arrin la yaab leh akdib markii internet-ka lagu shaaciyay iyadoo aqrineysa warka duhurnimo ee TV-gaasi oo farta dhexe ee fareheeda gacanta bidixda ah ku caayesa madaxweynaah Mareykanka Brack Obama mar ay ku dhawaaqeysay magaciisa.
Wargeyska daily Telgaraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay warka ay aqrineysay gabadhaasi oo tarjuman maadaama ay kua qrineysa afka Ruushka, wargeyska ayaa xusay in gabadhan ay tahay wariye caan ah oo lagu magacaabo Tatina Limanova ay warkan ka aqrineysay TV -lagu magacaabo Riin , dhacadadna ay dhacday laba isbuuc ka hor mar ay aqrineysay warka duhurnimo ee TV-gaasi.
Limanova oo heysata abaal marino badan oo warbaahinta ku saabsan ayaa qrineysa war ku saabsan madaxweynaha Ruushka Dimitry Madvidiv oo loo doortay madaxa ururka iskaashiga dhaqaalaha ee dalalka Asia iyo Pacofic Ocean ee loo soo gaabiyo APEC oo xubno ka ah 21 dowlad oo ay kamid yihiin Canada, mareykanka Ruushka, Maleysia, Koonfurta Kuuriya, Philippne , Shiinaah iyo kuwa kale.
Waxa ayna sii waday aqriska warka iyadoo dhaheysa Madaxweynaha Ruushka waxa uu kala wareegay xilkaasi madaxweynaha Mareykanka Brack Obama waxa ayna sare u qaaday gacanteeda bidix kadibna farta dhexe ee gacanteeda ayay ku aflagaadeysay Obama marka ay ku dhawaaqeysay magaciisa taasoo ah caay aad u fuul xun oo aanay dadku jecleen iskabadaa in ay tilmaantaasi bixiso qof dumar ah.
Waxaa soo baxay warar sheegay in gabdhaasi wariyaha ah ay u maleneysay in ay codkeeda oo kaliya uu la socdo warka balse muuqaalkeeda aysan muuqan oo daawadayaasha loo wareejiyay muuqaalka warka oo ah halka uu ka dhacayay xil wareejinta ee uu ku sugnaa madaxweynaha ruushka maadaam warka uu watay muuqaal.
Arintan ayaa la sheegay in ay ku fadeexowday gabadhan wariyaha ah ee u dhalatay dalkaasi Ruushka, dad badan ayaana tilmaamay in talaabadani ay ka tarjumeyso naceybka loo qabo Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama gaar ahaan naceybka ay u qabaan shacabka ruushka.