Wadamada COMESA oo taageeray howlgalka Kenya ee ka dhanka ah Alshabab .
Published on November 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.November.2011:- Wadamada ku bahoobay urur goboleedka Suuqa guud ee bariga koonfurta africa (Comesa) ayaa waxaa ay sheegeen in ay si buuxda u taageersanyihiin dagaalka dowlada Kenya ee ka dhanka ah Alshabab-ka Soomaalia.
Xoghayaha guud ee golaha COMESA Sindiso Ngwenya oo ka hadlayya kulan ay ku leeyihiin magaalada Mambasa ayaa waxaa uu shaaciyay in ururka ay si buuxda u taageerayaan howlgalka ay Kenya ku bartilmaameedsanayso kooxda Alshabab ee dalak soomaaliya.
Horey ayaa Waxaa Howlgalkan utaageeray Wadamada ugu badan ee Afrika iyo Beesha Caalamka.
Kenya ayaa dhawaan ku biirtay Dagaalada lagula jiro Al-Shabaab kadib Amaan xumo laga gaystay Gudaha Dalka.