Ruushka oo ka hor yimid in Suuriya laga mamnuuco hubka loo dhoofiyo.
Published on November 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.November.2011:- Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergi Lafrov ayaa shalay ka dhawaajiyay in dalkiisu uu ka hor imaadsan yahay mamnuucidda ku aadan hubka loo dhoofiyo dalka Suuriya, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo waqtiga xadidan ee cadaadiska laga saarayo dowladda Bishaar Al-asad.
Lafrov waxa uu tilmaamay in mamnuucidda hubka macneheedu ay tahay in saameyneyso xukuumadda Suuriya oo kaliya taasoo ka baxsan mucaaradka taas ayuuna ku sheegay in ay tahay wixii ka dhacay dalka Liibiya , kadib markii xukuumaddii qadafi laga mamnuucay in loo dhoofiyo hub halka mucaaradkuna ay si toos ah u helayeen.
Wasiirka arrimaah dibadda Ruushka waxa uu sii raaciyay in kooxaha hubeysan ay hubka sidey doonaan u isticmaali karaan iyadoo aanan lala xisaabtameynin laakiin dowladdu ay tahay mid lagala xaajoon karo arrimahaas.
Waxaa xusid mudan in Ruushka uu xiriir aad u wanaagsan kala dhexeeyo dowladda Suuriya, todobaadkii hore ayay aheyd markii Ruushka uu u isticmaalay diidmada qayaxan ee Vito-ga go’aankii golaha ammaanka ee ku aadanaa in xukuumadda Dimishiq ay geysatay howl gallo ka dhan ah shacabka oo ay Q.M ku sheegtay in ay ku nafwaayeen 3500 oo qof.
Dhanka kale Mareykanka iyo Jarmalka waxa ay ka dalbadeen golaha ammaanka ee Q.M in xukuumadda Suuriya ay kusoo rogto cunaqabateyn cusub oo wax looga qabanayo dhibaato ay ku sheegeen in ay geysanayaan xukuumadda uu madaxweynaha kayahay Bishar Al-asad.