Muwaadin u dhashay dalka Masar oo galina macalin ah galin tuugnimo ku shaqeysta.
Published on November 14, 2011 by cabdulaahi · No Comments
14.November.2011:- Macallin wax ka dhiga mid kamid ah schoolada ku yaala magaalada Shibral Khayimah ee dalka Masar ayaa la sheegay in uu ku filnaan waayay mushaarka uu ka qaadanayay School-ka taasna ay ku kaliftay kadib markii uu sheydaan hoosaasiyay in uu ku dhaqaaqo wado kale oo uu lacag ku heli karo isagoo bilaabay in galbihii marka ay ciriiri noqdaan gawaarida dadka rayidka ay raacaan uu jeebsiibo amaba dadkaasi jeebabkooda lacag kala baxo.
Ninkan ayaa la tilmaamay in uu caadeystay arrinkan islamarkaana gelinkii hore ee maalinta uu ku shaqeysan jiray macaliin nimo isagoo dhigayay maadada xisaabta halka gelinkii dmabana ku dhaqaaqi jiray xatooyo uu u geysanayo dad rayidka ee gawaarida raacaya.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Khalid ayaa u gacan galay Police-ka kadib markii la arkay isagoo xatooyo ku sameynaya jeebka qof muwaadin ah oo gaari raacayay.
Madaxa baaritaanada iyo dabagalka ee magaala Shibral Khayimah Maxamed Alquseyri ayaa sheegay in ay ogaadeen ninkan oo 43 sano jir ah uu ahaa macallin.
Dad badan oo u dhashay dalka Masar ayaa layaab ku noqtay arrinkan iyadoo maamulka School-ka uu wax ka dhigayayna ay tilmaameen in uu usoo jiiday sumcad xumo iyo kalsooni darri dhanka Schoolka ah.
Ninkan ayaana lagu wadaa in maxkamadda la horgeeyo si loogu qaado dambiga lagu hayo ee xatooyada ah.