Published on November 29, 2011 by cabdulaahi · No Comments
29.November.2011:- Dowladaha midowga Yurub ayaa shalay oo isniin aheyd isku afgartay in cunaqabateyn cusub oo dhanka maaliyadda ah ay kusoo rogaan dalka Suuriya taasoo ah mid lagu doonayo in lagu daciifiyo awoodda xukuumadda Bishar Al-asad.
Diblomaasi ka tirsan midowga Yurub ayaa tilmaamay in tallaabadan cusub ay tahay ishortaagid cusub oo dhanka maaliyadda ah oo ku saleysan mustaqbalka dheer ee ganacsiga marka laga reebo cunnada iyo daawada , cunaqabateyntuna ay tahay mid ku wajahan dhanka maaliyadda iyo ganacsiga.
Go’aanka ay shalay gaareen midowga yurub balse wasiirada arrimaah dibadda ee midowga Yurub ay go’aan rasmi ah ka gaari doonaan Khamiista soo socota ayaa sidoo kale ka mamnuucaya shirkadaha midowga Yurub in ay wada shaqeyn la yeeshaan shirkadaha iyo laamaha xukuumadda Suuriya.
Sidoo kale bankiyada dalka Suuriya waxaa laga mamnuucay in ay laamo amaba xarumo ka furtaan dowladaha midowga Yurub amaab ay maalgashi iyo wada shaqeyn la sameeyaan bankiyada Yurub.
Go;aanka cusub ee cunaqabateynta dhanka maaliyadda ayaa la sheegay in uu daba socdo go’aan xilli sii horeysa 12- qof iyo 11 shirkad lagu xanibay lacagahooda iyadoo shakhsiyaadkana loo diiday in ay u safraan dalaka xubnaha ka ah midowga Yurub.