Madaxweynihii hore ee Ivory Cost oo loo masaafuriyay holland si uu u hortago maxkamadda ICC-da.
Published on November 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.November.2011:- Diyaarad siday madaxweynihii hore ee dalka Ivory Cost Lueren Gbagbo ayaa ka degeday Airpor-ka Roderdam ee dalka Holland kadib markii laga soo masaafuriyay dalkiisa si loogu maxkaamdeeyo maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC-da oo xilli sii horeysay soo saartay warrantu amaab dalab lagu soo xirayo.
Gbagbo ayaa gaaray Hague isagoo lagasoo kaxeeyay magaalada Korhugo ee dalka Ivory-cost halkaasoo uu xabsi guri kujiray tan iyo amrkii xukunka si awood ah looga qaaday bishii April ee sanadkan.
Wakaaladda wararka ee dalka Holland INB ayaa cadeysay in diyaaraddii sitay madaxweynihii hore ee Ivory Cost ay ka degetay garoonka Roderdam shalay galab kadibna Gbagbo loo sii kaxeeyay xabsiga maxakamadda ICC-da e ku yaala magaalada Ther Hague.
Maxkamadda ICC-da ayaa sameyneysa baaritaano ku saabsan dambiyada dagaal ee la sheegay in uu geystay Gbagbo xilligii ay socdeen rabashadihii ka dhashay doorashada looga guuleestay madaxtinimada.
Madaxweynihii hore ee Ivroy Cost Luerent Gabgbo oo 66 sano jir ah ayaa loo masaafuriyay dalkaasi Holland xilli doorashada Barlamanka ee dalka Ivory Cost ay kaharsan tahay laba isbuuc oo kaliya.
Qeybo kamid ah dagaal yahanada Gbagbo iyo Madaxweynaha imika haya talada Alxasan watara oo ah labada dhinac ee dagaalamayay ayaa loo soo jeediyay in ay galeen dambiyo dagaal xilligii ay socdeen dagaalada salka ku hayay is afgaran waaga doorashadii madaxtinimada dalkaas.