Kenya iyo koonfurta Sudan oo xalinaya muran dhanka dhulka ah.
Published on November 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.November.2011:- Dowlada dalkan Kenya iyo dowlada Koonfurta Sudan ayaa waxaa ay si nabad ah ku xalin doonaan muranka ku saabsan cida iska leh Elemi Triangle oo ay labada dalba sheeganayaan.
Ra’isul wasaare Raila Odinga iyo madaxwayne ku xigeenka dalka Sudan ayaa waxaa ay ku adkaysteen in ay labada dal ay muranka lahaashiyaha goobtan ay ku xalin doonaan si ay walaalnimo ku jirto.
Arintan ayaa waxaa ka wada hadli doona gudi ka kooban gole wasiiro oo labada dhinac ka socda kuwaas oo lagu wado in ay kulan ka yeeshaan si loo xaliyo arintan iyo guud ahaanba soohdinta labada dal u dhaxaysa.
Gobolka Elemi Triangle ayaa waxaa uu cabirkiisu dhanyahay 10,320 iyo 14,000 oo KM oo isku wareeg ah waxaana iminka gacanta ku haysa dowlada dalkan Kenya.
Sidoo kale Gobolkan ay ku muransanyihiin koonfurta Sudan iyo dalka Kenya ayaa la aaminsanyahay in uu leeyahay macdan badan iyo saliid.
Dhanka kale Ra’isul wasaare Raila Odinga ayaa u xaqiijiyay dowlada koonfurta Sudan in ay kenya dadajinayso dhisida Dekadda magaalada Lamu iyo wado wayn oo isku xirta labada dal.