Dhaqtarkii hore ee Michel Jackson oo lagu xukumay afar sano oo xarig ah.
Published on November 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.November.2011:- Maxkamad ku taala magaalada Los Angeles ee dalka mareykanka ayaa shalay Afar sano oo xarig ah ku xkuntay Conrad Morai oo ah Dhaqtarkii hore ee fanaankii caanka ahaa ee grriyooday Michel Jackon kadib markii lagu eedeeyay dil aanan ku talagal aheyn oo uu u geystay Michel Jackon xilli uu siiyay maadada dilaaga ah ee daroogada ah ee loo yaqaano Brobofol.
Xukunkan ayaa waxaa ku dhawaaqay qaadiga maxkamadda oo lagu magacaabo Michel Pastor, laakiin dhaqtarku waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid been iyo khiyaano ah oo wax loogu dhimanayo sumcadda mihnadiisa dhaqtarnimo.
Qaadiga xukunka riday waxa uu carabaabay in dhaqtarkan uusan xitaa ka shaleynin amaba uusan ka xumaan waxa ku dhacay Michel Jackon amrkii uu geeriyoonayay.
Dhaqtarkan lagu magacaabo Conrad ayaa la sheegay in wadnaha looga soo booday kadib markii uu maqlay go’aanka maxkamadda taasoo xukunka ka sokow uu ku muteysanayo in lagala laabto ruqsadda dhaqtarnimo ee uu ku shaqeysanayay taasoo la sheegay in uu ku weynayo mihnaddiisa sahqo, waxaana intaasi sii dheer in aanan lagu sii deyn karin damaanad maaliyadeed.
Kadib markii lagu dhawaaqay xukunka dhaqtarkan waxaa hal mar farxad iyo sawaxan laga dareemay maxkamadda dibadeeda oo ay ku sugnaayeen dad aad u jecel fannaankii caanka ahaa ee geeriyooda Michel Jackson, waxa ayna siteen boorar ay ku qoran yihiin dilaa, dambiile oo ay ula jeedeen dhaqtarka waxa ayna ku dhawaaqeen markii xukunka la riday wuu guuleestay Michel Jackson.
Qoyska Michel Jackson oo ku sugnaa maxkamadda ayaa si aad ah usoo dhaweeyay xukunka, Ltoya Jackson oo ah gabar la dhalatay Michel Jackson ayaa tilmaantay kadib markii uu dhacay xukunka in ay daremeyso raaxo ku aadan xaqa uu helay walaalkeed.
Xukunkan ayaa yimid kadib muddo laba sano ah oo ay socotay dacwad ay indhaha ku hayeen dadka u dhashay Mareykanka iyo guud ahaan caalamka.