28-11-2011:-Barlamanka dalka Romania ayaa la sheegay in ay go’aan ka gaareen arrin ay in muddo ah xal u weysanaayeen oo ku saabsan eeyaha aanan cidna iska laheyn ee dhex wareegaya magaalada kadib markii ay u codeeyeen in ciidamada dalkaas ay fasax u qabaan in ay dilaan eeyaha dhex wareegaya wadooyinak iyo xaafadaha taasoo ay aad ugu caroodeen dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ee dalkaasi.
Barlamanka dalkaas waxa ay tilmaameen in go’aankan ay qaateen kadib markii laamaha Police-ka ee dalkaasi ay tilmaameen in ku dhawaad 40 kun oo eey ah oo aanan cidna laheyn ay ku suganyihiin Magaalada Bucherest oo kaliya oo ah caasimadda dalkaasi Romania.
Dhibaatada imika ay ka cabanayaan dadka u dhashay Romania ayaa la sheegay in uu sabab u yahay Diktaytarkii shuuciga ahaa ee ka talin jiray dalkaas Nikoly Shawishisko kaasoo kumanaan qof ku waajibiyay in ay degaan guryo aanan suura gal aheyn in lagu xanaaneeyo eeyaha.
Siddeedameeyadii ayaa Nikoly waxa uu amray in la burburiyo dhismayaashii filooyinka ahaa ee qarnigii 20-aad laga dhisay caasimadda dalkaas , waxa uuna amar ku bixiyay in la dhiso guryo ka sayesan shamiinto kuwaasoo aad u yar yar oo aanan lagu xanaaneysan karin eeyaha tan iyo xilligaasna waxaa jiray dhibaatadan ku saabsan eeyaha oo ku badan magaalada oo mararka qaar dhibato u geysta caruurta.
Sharciga Cusub ee Barlamanka dalkaas ayaa u ogolaanaya ciidamada Police-ka in ay dilaan eeyaha haddii muddo bil ah la waayo qof sheegta in uu xanaaneysanaya , iyadoo Barlamanka ay ku dhawaaqeen go’aankaas ayaa haddana la sheegay in ay lagama maarmaan tahay afti maxalli ah oo laga qaada golaha dowladaha hoose marka la doono in la dhaqan galiyo qaanuunkan.
Dad badan oo u ololeeya dhwrista xuquuqda xayawaanka oo isugu jira kuwa maxalliga iyo caalamiga ayaa cambaareeyay tallaabada ay ku dhawaaqeen Barlamanka, haweeneyda u dhalatay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Brijit Bardo ayaa carabaabtay in dilka loo geysanayo Eeyaha ay tahay arrin ka dhan ah xuquuqda xayawaanka taasna ay tahay mid laga doonaya guud ahaan dadka Romania in ay kasoo horjeestaan.
Xuseen Nuur Xaaji (Nasiib)
nasib_10@yahoo.com