SPLM oo sheegtay in ay qabsatay deegaan u dhow kaadugle.
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.October.2011:-Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa xoreynta Sudan SPLM laantooda waqooyiga Sudan Arno ayaa shalay u sheegay AFP in ay qabsadeen deegaanka Khoor oo shan KM ujirta Caasimadda gobolka Junuub Kurdufan ee Kaadugle, kadib markii ay ku dagaalameen deegaankaasi ciidamada SPLM iyo kuwa dowladda Sudan.
Arno ayaa sii raaciyay in cadowga ay carareen kadib markii ay ka dileen 27 askari islamarkaana ay ka qabsadeen dabaabado iyo hub kale.
Afhayeenka ciidanka dowladda Sudan ayaanan jawaab ka bixinin sheegashada SPLM eek u aadan qabsashada deegaankan ka tirsan Junuub Kurdufaan.
Waxaa xusid mudan in dagaalka u dhexeeya SPLM iyo ciidamada dowladda Sudan uu bilowday 5-ta bishii June ee sanadkii hore xilligaas oo ay mideysnaayeen Sudan islamarkaana ay isku qabteen doorashada gobolka Junuub Kurdufan.
Dadka ku dhaqan Junuub Kurdufan ayaa juqraafi ahaan kasoo jeeda waqooyiga Sudan laakiin siyaasad ahaan waxa ay ku xiran yihiin SPLM, iyagoo la safnaa xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay Koonfurta Sudan iyo Waqooyiga, kaasoo lagu soo afjaray heshiiska Niavsha ee dalkani Kenya ay ku gaareen labada dhinac sanadkii 2005-tii.
Laakiin heshiiskaasi waxa uu ku guul dareystay in uu soo afjaro dagaalada ilaa iyo imika ka oogan labada gobo lee Junuub Kurdufan iyo Niilal Azraq.