Rwanda iyo South Africa oo taageeray howlgalka Kenya ee Soomaaliya .
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.October.2011:-Wadamada Rwanda iyo South Africa ayaa wacad ku maray in ay taageerayaan howlgalka militiri ee kenya ay ku qaaday kooxda Alshabab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha Rwanda Paul Kagame iyo madaxwaynaha dalka koonfur Africa Jacob Zuma ayaa cadeeyay taageerada ay u hayaan tilaabo militiri oo laga qaado kooxda Alshabab iyaga oo sheegay in howlaha danbiyada ee ay ka samaynayaan kooxdan meelaha ka baxsan Soomaaliya ay tahay in jabinaysa baratakoolka iyo heshiisyada caalamiga ah.
“Rwanda waxaa ay diyaar u tahay in ay kenya siiso caawinaad kasta oo ay u baahantahay si ay uga guulaysato kooxda Alshabab” waxa sidaasi sheegay madaxwayne Kagame.
Madaxwyanah dalka Koonfurta Africa Jacob Zuma ayaa dhankiisa muujiyay in koonfur Africa ay taageersantahay in meesha laga saaro xarakada Alshabab oo sida uu sheegay ka mid caqabadaha qaarada Africa.
Rwanda iyo South Africa ayaa noqonaya wadamadii qaarada africa ee ugu danbeeyay ee taageeraya howlgalka militiri ee Kenya ee ka dhanka ah xarakada Alshabab .
Maalintii sabtida ayay ahayd markii madaxwaynaha dalka Tanzaniya uu sheegay in dalkiisa uu taageersanyahay howlgalka Kenya ee ka dhanka ah Alshabab.