Madaxwayna ku xigeenka dalka oo Dadka Kenyanka u xaqiijiyay in amaanka dalka uu suganyahay.
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.October.2011:- Madaxwayna ku xigeenka dalka Kalonzo Musyoka ayaa ku celceliyay sida ay dowlada uga go”antahay in la xaqiijiyo nabada iyo xasiloonida.
Mr. Musyoka ayaa waxaa uu sheegay in nabada ay muhim u tahay hormarka dhaqaalaha isla markaana nabadu ay tahay mid guud oo dadka faa’ido ugu jirto.
Sidoo kale Madaxwayna ku xigeenka ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in kenya aysan ka labalabayn doonin la dagaalnka argagixisada gaar ahan xarakada Alshabab oo amaan daro ka wada xuduuda dalka.
Madaxwayna ku xigeenka ayaa uga mahad celiyay ciidamada amaanka ee dalka shaqada wanaagsan ee ay dalka ka qabtaan iyo xirfadooda aadka u saraysa.
Mr Kolonzo ayaa hoosta ka xariiqay in hay’adaha amaanka ee dalka ay amar buuxda u haystaan in ay si naxariis daro ah ula tacaalaan koox waliba ama qof waliba oo fara galinaya amaanka dalka.