Japan oo gashay suuqyada lacagaha si ay hoos u dhigto lacagta ay isticmaasho ee Yen.
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.October.2011:-Xukuumadda Japan ayaa la sheegay in ay gashay suuqyada lacagaha si ay hoos ugu dhigto lacagteeda Yen-ta oo noqotay middii ugu sareysay tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.
Faragalinta amaba dhex galka Japan ee suuqyada lacagaha ayaa ka dhigtay in 75,31 Yen oo noqda hal dollar oo lacagta Mareykanka ah tasoo horey u aheyd 79.33 dii hal dollar.
Waxaa xusid mudan in sare u kacaha lacagta Yen-ta marka loo eego dollar-ka ay dhibaato u keeneyso waxyaabaha ay dhoofiso Japan sababtoo ah waxaa sare u kacaya qiimaha lagu dhoofinayo, taasoo yareeneysa iibisiga alaabahaasi.
Wasiirka Maaliyadda ee Japan John Azumi waxa uu tilmaamay in awoodda ay ku socota lacagta Yen-ta aysan ka tarjumeynin xaaladda dhabta ah ee dhaqaale dalka Japan.
Waziirka waxa uu sii raaciyay haddii aysan wax iska bedelin suuqyada xawaaladaha ee dibadda oo dhibaatadana ay sii socoto in xukuumadoodu ay qaadan doonto go’aan rasmi ah oo ay ugu jawaabayaan arrimahan.
Dadka u dhuun daloola arrimaha dhaqaalaha waxa ay leeyihiin xukuumadda Japan marar badan ayay ku guul dareysatay wax ka qabshada dhibaatadan balse imika waxa ay u muuqataa mid ay ka go’an tahay xaqiijinta xalinta arrinkan.