Saturday, May 19th, 2012

Dowlada Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis kala saxiixday (Aqri Qodobada Heshiiska)

Published on October 31, 2011 by   ·   2 Comments

31.October.2011:- Waxaa maanta kulan xaasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Wafuud ay kala hogaaminayeen R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Max’ed Cali Gaas iyo R/wasaaraha Kenya Railla Oding kaa oo ay kaga hadlayeen iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan la dagaalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

R/wasaare C/weli ayaa waxaa kulankaasi ku wehliyey R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Xuseen Carab Ciise, R/wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Max’uud, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Max’ed Cali Ameeriko.

Sidoo kale R/wasaaraha Kenya waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya Max’ed Yuusuf Xaaji, kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya Richard Onyonka, Madaxa ciidamada difaaca ee Kenya Jenaraal Julius karangi, Xoghayaha joogtada ee Xafiiska R.wasaaraha Kenya Dr Max’ed Isahakia, Danjire Nancy Kiriu oo ah xoghayaha gaarka ah Wasaaradda Difaaca ee Kenya iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa safiirka dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya James Mulinge.

Kulankan ayaa waxa uu dabo socdaa heshiiskii 18-ka October ay Muqdisho ku yeesheen wafuud ka socday dowladda kenya iyo madaxda dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa iskaashiga labada dowladood ee dhanka sugidda amniga koonfurta Soomaaliya, iyadoo 21-kii bishaan magaalada Adis ababa lagu soo gabo gabeeyey kulankii 41-aad ee ay isugu yimaadeen madaxda ururr goboleedka IGAD kaa oo lagu taageeray in dowladda Kenya ay ka qayb qaadato howgalka koonfurta Soomaaliya looga sifeynayo Al-shabaab oo dhibaato ka wada Gobolka oo dhan.

Kulanka maanta ay Madaxda labada dowladood ay ku yeesheen magaalad Nairobi ayaa lagu kala saxiixday 11- qodob oo kala ah.

1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.

2. Al-shabaab waa codowga, labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna Qatar ku tahay gobolka iyo caalamka intiise kale, waana in si isku mid ah labada dowladood ay uga hortaggaan dhibaatada kooxdaasi, iyagoo la kaashanaya beesha caalamka.

3. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab.

4. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamada Kenya ee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi.

5. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

6. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal.

7. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo maleeshiyada Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi, ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi.

8. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.

9. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo soo taagi lahaa.

10. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo dekadda Kismaayo.

11. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

Star FM News Desk

PDF Printer    Send article as PDF   

Readers Comments (2)

  1. Hajiri says:

    Anigu shaqsi ahan heshiis kan ay gaareen labada wadan wa mid wax ku ool ah wana in la dhergaliyaa sida ugu dhaqsaha badan. Gul ban idin rajeynaya.

  2. Asc waxan salamaya walalaha musliminta ah e somaliyed mel kastay jogan marka waxa an ka dhibanaya qodobkayga waxan lahadlaya dhalin yarada la khalday e somaliyed waxa an ushegaya argagixisada al-shabab inu waqtigedi dhamaday hasa yeshe dawlada ay idinku baqday cafis asatan argagixisada alshabab laga dhamayn rabo wadankena walalayal islanimo kuwas kuma dhaqmayan ale ha dhameyo alshabab amin amin amin!




Local News

CRIME-SCENE_NET

Wiil uu dhalay wasiirka Maaliyada Kenya oo is dilay.

17.May.2012;-  Wiil uu dhalay wasiirka maaliyada  Njeru Githae ayaa saakay isku dilay xaafada Runda,ee magaalada Nairobi. Wiilkani uu dhalay ...
Eugene Wamalwa

Wasiirka cadaalada oo walaac ka muujiyay dhalinyarada badan ee kibandha la’aanta ah.

17.May.2012:-  Wasiirka cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Eugene  Wamalwa ayaa waxa uu sheegay in inka badan 4 milyan oo ...
uhuru

Uhuru oo dhawaan shaacinaya Xisbiga uu doorashada uga qayb galayo.

17.May.2012;-  Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Axada soo socota xisbiga uu doonayo in ...
ACCIDENT-

Shil gaari oo dad ku dhinteen oo ka dhacay wadada Muranga ee Kenya

17.May.2012:-  ugu yaraan 15 qof  ayaa ku geeriyootay xalay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Kenolo ...
tb

Gabaabsi dhanka Talaalka Nooca looga hortago TB oo dalka ka jira .

17.May.2012:-  Dowlada ayaa cadaysay in dalka uu ka jiro gabaabsi dhanka talaalka BCG oo ah Talaalka Caruurta ee ...
shariif

Madaxwayne shariif oo ka warbixiyay Kulankii Golaha amaanka ee Newyork ka dhacay

16.May.2012:-  Madaxwaynaha dawlada Kmg ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka warbixiyay Kulankii Shalay ay Golaha amaanka ...
mom

Booliiska Gobolka Xeebta oo baaraya weerar xalay lagu qaaday goob Club ah .

16.May.2012;-  Booliiska magaalada Mombasa ayaa baaritaano ku haya weerarkii Bambaano ee xalay lagu qaaday goob Club  ah oo ...
mukuruy

Dab ka kacay xaafada isku raran ah oo ku taala Nairobi

16.May.2012;-  In ka badan 100 qoys ayaa ku gurya beeshay dab ka kacay qayb ka mid ah xaafada ...
kakuma

Gaadiidleyda reer Kaakuma oo qiimaha shidaalka ka cabanaaya .

15.May.2012;-  Gawaarilayda Xarada Qaxootiga ee Kaakuma ayaa waxa ay cabasho ba'an ka muujiyeen sicirka shidaalka oo sare u ...
KENYA

Qarax dhimasho iyo dhaawac gaystay oo lala beegsaday askar Kenyaan ah oo ku sugnayd xerada dhagaxlay.

15.May.2012:-  Inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay sadex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Qarax xoogan ...

Sports

pod

Podolski oo ka mid noqday ciyaaryahanada Arsenal (sawiro)

16.May.2012:-  laacibka Cusub ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa sheegay inuu sugi la'yahay safashada kulamada kooxdiisa Cusub. Podolski ayaasi ...
van-persie490ai

Kooxda Juventus oo doonaysa Van Persie

15.May.2012:-  Naadiga ka dhisan Carriga Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa inay sii laba laabto dadaalka ay ku doonayso ...
hezard

Eden Hazard “waxaan kusoo wajahanahay Manchester”

15.May.2012;-  Ciyaaryahanka dhanka Garabka kaga ciyaara Kooxda Lille  Eden HazardAyaa si rasmi ah ugu celiyya inuu xili ciyaareedkaan ...
ibra

Ibrahimovic oo la sheegay inuu sii ahaanayo ciyaaryahan ka tirsan Kooxda AC Milan

15.May.2012;-  Wakiilka Weeraryahanka Kooxda AC Milan  Ibrahimovic ayaa sheegay in xidigaasi uu sii joogayo kooxda Reer Talyaani ee ...
benzema

Benzema oo Xaqiijiyay inuu sii joogayo Kooxda Real Madrid

15.May.2012;-  Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa sheegay inuu siwayn ula dhacsanyahay hanaanka iyo awooda ciyaareed ee ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna