Dalka Shiinaha oo ay ku dhinteen dad ka shaqeynayay qodista Macdanta.
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.Occtober.2011:-Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa sheegtay in qarax ka dhacay goob laga qodo macdanta oo ku taala gobolka Hoonaan ee Koonfurta dalkaas ay sababtay in ay ku dhintaan 29 qof oo ah kamid ahaa shaqalihii macdanta qodayay, halka 6 kalana ay ku dhawaacmeen kuwaasoo lagu daweynayo Cusbitaal ku yaala gobolkaasi.
Waxaa xusid mudan in laamaha qoda macdanta ee dalka Shiinaha in ay yihiin kuwa ugu qatarta badan ee ay ku dhintaan shaqaalaha iyadoo sanad walbana ay ku dhintaan dad aad u tira badan.
Sanadkii hore ee 2010-kii waxaa ku dhintay goobaha laga qodo macdanta ee Shiinaha 2433 shaqaale halka sanadkii kasii horeeyay ee 2009-kiina ay ku nafwaayeen shaqaalo dhan 2631 qof.
Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xireyso goobo badan oo aanan sharciyeysneyn iyadoo ka shaqeneysa badbaadinta dadka shacabka.
Laakiin Kooxaha difaaca xuquuqda shaqaalaha waxa ay leeyihiin dowladda waa ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinkan marka loo eego tirade dhimaneysa sanad walba.
Iyadoo dhimashadani ay jirto ayaa haddana waxaa la sheegayaa in hoos u dhac weyn ay timid sanadahan dambe ,tirada dhimatay sanadihii ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay in ay tahay kala bar dadkii geeriyooday sanadkii 2002-dii oo gaartay ilaa 7 kun oo qof.