Dadka Greece oo ka hor yimid in laga cafiyo dalkooda kala bar deymaha ay kuleeyihiin bankiyada.
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.October.2011:-Ra’yi ururin la sameeyay ayaa waxa ay ku muujiyeen dadka u dhashay dalka Greece in aysan raali ka aheyn heshiiska ay gaareen midowga Yurub ee Greece looga cafiyay kala bar deemaha lagu leeyahay, kadib markii leysla gartay in Bankiyada dalkaasi ku leh lacagta ay qaataan khasaaro qeyb, iyagoo cafinaya kala bar deemaha, taasoo shacabka Greece ay ku sheegeen in ay tahay mid meel ka dhac u ah jiritaanka dalkooda.
Natiijada ra’yi ururinta oo ay soo bandhigtay wargeyska Tofima ee kasoo baxa dalka Greece ayaa lagu sheegay in heshiiska ay khamiistii gaareen midowga Yurub ee ku aadan xalinta deemaha ku raagay Greece , iyo badbaadinta cusub ee dalkaas oo loo qorsheeyay 130 billion oo Euro in 60 % dadka u dhashay Greece ay ka hor yimaadeen islamarkaana ay ku tilmaameen go’aan aanan wanaagsaneyn.