Ciidamada badda oo isu diyaarinaya in ay ka qayb qaataan howlgalka Lagu wado in lagu qaado magalada kismaayo.
Published on October 31, 2011 by cabdulaahi · 1 Comment
31.October.2011:- Ciidamada badda ee dalkan Kenya ayaa lagu wadaa in ay ka qayb qaadaan weerarka ciidamada Kenya la filayo in ay ku qaadaan magaala xeebeedka Kismaayo oo ah magaalo ay si aad ah ugu xooganyihiin kooxda Alshabab.
Ciidamada badda ee dalkan Kenya ayaa ka maqnaa howgalka ay ciidamada militiriga Kenya ay ka wadeen gudaha Soomaaliya ayada o howlgalka ay marki hore fulinayeen ciidamada cirka iyo kuwa dhulka.
Militiriga dalkan Kenay ayaa intii ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya waxa ay qabsadeen dhowr magaalo oo ay horay uga talin jireen kooxda Alshabab.
Ila wareedyo militiri oo laga helayo Kiunga iyo Lamu ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarka la filayo in lagu qaado magaalada Dakada leh ee Kismayo ay ciidamada badda ay ka qayb qaadan doonaan.
Sargaal sare oo u hadlay waaxda gaashaandhiga ayaa waxa uu sheegay in maraakiibta ciidamada badda ee dalkan kenya ay ku suganyihiin goobaha howlgalka laga wado isla markana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan howlgalak Lindha inji .
maxa loshegeynin cidhanka laga dile dalka xisabtodha