Qaar ka mid ah saraakiishii loo haystay fadeexadii wasaarada biyaha oo maanta la xukumay.
Published on September 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.September.2011:-Xaaska Wasiir ku xigeenka Dalxiiska Dheenis Apaa iyo Bili Indheej oo ah isna Xaaska gabar ay dhashay wasiirada biyaha ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo oogay dacwad ahayd in ay wax is daba marin sameeyeen iyo khaaininimo ka dhex dhacday wasaarada biyaha .
Shaqsiyaadkani ayaa waxa loo cuskaday sharciga la dagaalanka musuqmaasuq gaar cutubka 46 iyo 48aad oo ah qodobka la dagaalanka danbiyada la xiriira dhaqaalaha oo dhigaya in qofkii lagu helo danbi musuqmaasuq in lagu xukumo ganaax gaaraya 1 milyan amaba 10 sano oo xarig ah .
Kiiskan ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex dhacay wasaarada biyaha ayaa socday mudo badan kaasi oo ay gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa baaritaano dheer ay ku sameeyeen.