Published on September 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.September.2011:- Milkiilishaa shirkada ganacsiga dalka ayaa waxaa ay si cara leh ay uga hadleen qiimaha shiling oo an daganayn iyo sarifka oo lacago bdan ay ku darsantay.
Mudowga shaqaalaha dalka ee loo soo gaabiyo (FKE) ayaa waxaa ay sheegeen in ay dareemayaan natiijada ka dhalatay qiimaha shilinka oo sida aad ah hoos ugu dhacay in ay keentay in waxyaabha aasiga ah u ah noolsha ay qaymo ku darsadeen ganacsatada iyo ororada ganacsiga oo iminka aysan lahayn awood ay ku qorshayn karaan ganacsigooda.
Kadib shir ay maanta ku yeesheen xubnaha gudiga FKE ayaa waxaa ay u sheegeen wariyaasha in hadii aan wax laga qaban qiimaha shilka oo hoos yaala iyo qiimaha ku darsamay sarifka ay keeni karaan in ay joogsadaan shaqooyinka hadii sida ugu dhaqsiyaha badan wax loga qaban waayo.
Maalmihii la so dhaafay ayaa waxaa si aad ah dalka loga daremay in qiimaha shilinka uu hoos u dhacay islamarkaasina ay kenetay in nolsha ay aad u qaaliyoowdo.