Published on September 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.September.2011:- Dowlada ayaa maanta bixisay lacag dhan 2 bilyan oo shiling si loogu fuliyo barnaamijka quudinta bilaashka ah oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatada haysata dadka ku dhaqan goobaha ay abaarta ku dhufatay ee dalak .
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada waxbarshada Jemis Oly Kiyaabi ayaa waxa uu sheegay in wasaardiisa ay balaarisay barnaamijkani quudinta si loo gaarsiiyo dad badan oo ah kuba ay abaarta saamaysay .
Xoghayaha ayaa intaa ku daray in ay ka war heleen in qaar badan oo ka ah caruurta ay abaarta saamaysay oo aan laga warqabin ay jiraan isla markana loo baahanyahay in caruurtaasi ay ka faaidaystaan quudintani bilaashka ah .
Mr kiyaabi ayaa ugu baaqay sarakiisha waxbarshada dagmooyiinka in ay soo gudbiyaan dadka qaba baahida gaarka ah si looga war hayo .