Ururka maclimiinta dalka oo ku hanjabay in ay Shaqo joojin samaynayaan
Published on August 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.AUGUST.2011:- Ururka ay ku bahoobeen maclimiinta dalka ayaa waxa ay soo saareen 7 maalmood oo ay u qabten dowlada hadii ay ku guul daraysato in ay shaqaalaysiiso maclimiin cusub in ay shaqa joojin ay ku dhaqaaqi doonaan.
Ururka ay ku bahoobeen maclimiinta dalaka ee loo soo gaabiyo (Knut) ayaa waxa ay warqad u gudibyeen wasiirka shaqaalaha John Munyes iyo gudiga adeeega maclimiinta ee and the (TSC).taasi oo ay uga dalbanayaan in ay dowlada sidii balantu ahayd ay shaqaalaysiiso macliin si joogta ah ku shaqeeya.
Waaxda kayd haynta dalka ayaa baal martay hindishii gudiga baarlamaaniga ah ee miisaaniyada oo soo jeediyay in shaqaalaysiinta maclimiin cusub loo qoondeeyo lacag dhan 5 bilyan oo shiling waxaa sidaasi sheegay xoghayaha guud ee ururka maclimiinta dalka David Okuta.
Hanjabaadani shaqa joojinta ah ee ay maclimiinta ku dhawaaqeen ayaa ku soo beegmaysa ayada oo tadabaadka soo socda lagu wado in dib loo furo iskuulada dowlada.