Ra’isul wasaare Odinga oo Barlamaanka u sharxi doona sababihi loogu so celiyay Wetangula golaha wasiirada
Published on August 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.AUGUST.2011:- Go’aankii dib loogu soo celiyay wasiirka arimaha dibada Moses Wetang’ula oo dib loogu magaacaby jagadii horay uu isaga casilay kadib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada ayaa qaabkii ay u dhacday loo sharixi doonaan aqalka baarlamaanka tadabaadka soo socda .
Wasiirka gaadiidka Amos Kimunya ayaa waxa uu sheegay in go,aanki lagu soo celiyay wasiirka arimaha dibada uu baarlamaanka u sharixi doono raisul wasaare Raila Odinga maadaama uu yahay kormeeraha dowlada .
Ku xigeenka hogaamiyaha howlaha dowlada ee baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay i horaan afhayeenka baarlamaanka Kenneth Marende uu arinta si aad ah u adkeeyay isla markana imika raisul wasaaraha laga rabo in uu sharaxaad ka bxiyo soo celinta mr wetangula .
Horay ayaa waxa dowlada laga dalbaday in sharaxaad ay ka bixiso dib u soo celinta golaha wasiirada dib loogu soo celiyay mr moses wetangula.
Mr Wetangula oo horay jagada isaga casilay fadeexad la xiriirtay iibintii safaarada dowlada dalkani kenya ay ku leedahay tookoyo ayaa waxa qaar ka mid ah baarlamaanka ay su,aal ka keeneen goorta nadiif uu ka noqday fadeexadaasi.