Raila Odinga oo kadigay in lakala qeybiyo xisbiga ODM
Published on August 29, 2011 by cabdulaahi · No Comments
29.AUGUST.2011:- Ra’isul wasaaraha Dalka Raila Odinga ayaa waxaa uu sheegay in kuwa doonaya ama ku qalqaalinaya in ku xigeenkiisa xisbiga ODM Musalia Mudavadi in u xariga ka jaro in uu u tartamayo jagada madaxwaynanimada ay doonayaan in kala qaybiyaan xisbiga ODM.
Ra’isul wasaaraha ayaa intaa ku daray in midnimadiisa Mr Mudavadi ee ah in uu ku taageero tartanka madaxwaynanimada in ay tahay mid xoog u yeelaysa xisbiga ODM.
Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in qof waliba uu xaq u leeyahay in uu u tartamo jagada madaxwaynanimada balse lagu kala duwanyahay karti hufnaan iyo wax qabad.
Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka galbeedka dalka ayaa ugu baaqayay Mr Mudavadi in uu u tartamo jagada madaxwaynanimada.
Ra’isul wasaare Odinga ayaa ka codsaday dhamaan musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxwaynanimada doorashada soo socota in ay aqbalaan ayna xushmeeyaan cida ku guulaysata doorashada soo socota si looga hortago in dalka uu ku laabto qalalaasihii horay udhacay doorashadii ugu danbaysay.