Madaxweyne Kibaki oo Waaxda Tarafikada Dalka ku amray in ay wax qabtaan Darawalada sida xun gaadiidka uwada
Published on August 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.AUGUST.2011:-Madaxwayne kibaki ayaa waxa uu amar ku siiyay booliiska in ay si adag ula tacaalaan darawlada gawaarida u wada isla markana ku tunta shuruucda wadooyiinka .
Madaxwaynaha ayaa waaxda taraafikada ee booliiska ku amray in ay tilaabo adag ka qaadaan kuba gawaarida si qaldan wadooyinka ugu wada isla markana ku qamaara nafta dadka aan waxba galabsan ee kenyanka .
Mr Kibaki ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay tahay wax laga xumaado in dad kenyan oo aan waxba galabsan maalin waliba ay u dhintaan qaladad shaqsiyaad ka yimid
Hadalka madaxwaynaha ayaa ku soo beegmaya ayada bishan aanu ku guda jirno ay dalka ka dhaceen shilal badan oo ay dad badan ku nafwaayeen kuba kalana ay ku waxyeeloobeen amaba ay ku naafteen .
Shilalka ka dhaca wadooyinka dalkani kenya ayaa waxa loo aaneeyaa dhowr arimood o ay ugu waawaynyihiin wadooyiinka oo aad u xun,darawalada gawaaarda oo ku tunta shuruucda wadooyiinka iyo iyaga oo mararka qaar kaxeeya gawaarida iyaga oo cabsan taasi oo dhlisa shilal ba,an.