Published on July 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.JULY.2011:- Dowlada ayaa u qoondaysay in ka badan 400-Milyan oo shiling qabashada dib u xisaabinta tirada dadka ee ku nool 8- degmo oo horay tira koobkooda loo kansalay.
Wasiirka qorshaynta qaranka Dalka Wycliffe Opranya ayaa sheegay in dib u dhaca qabashada tira koobkan ku celiska ah ee 8-da degmo ay curyaamisay lacag la’aan isla markaana iminka waaxda kayd haynta dalka ay lacagtan u qoondaysay miisanayadii aynu soo dhaafnay.
8-da degaan oo ku yaala Turkana iyo Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa kansalay wasiirka markii uu soo saarayay natiijadii tirakoobkii la qabtay isagoo ku tilmaamay natiijooyinka ka soo baxay 8-da deegaan kuwa aad uga badan intii la filayay isla markaana ay tahya mid aan la qaadan karin.
Dagaanada natiijooyiinkooda la kansalay ayaa waxaa ay ka mid ahaa Lagdherea, Bariga degmada Wajeer, degmada Bartamaha mandera, Bariga degmada Mandera, iyo galbeedka degmada Mandera oo dhamaantood ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.
Ma aysan shaacin Wasarada xiliga la qaban doono tira koobka ku celiska ah ee 8-da degmo.