Sarkaal ka tirsan ciidanka Afghanistan oo xabsiga loo taxaabay kadib Markii….
Published on July 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.JULY.2011:- Mas’uul ka tirsan xukuumadda Afghanistan ayaa sheegay in la xiray Sarkaal sare o oak tirsan ciidanka Military-ga kadib markii looga shakiyay in uu la shaqeeyo dagaal yahanada Dhaliban.
Mas’uulka ayaa intaasi ku daray in Sarkaalka oo lagu magacaabo Gul Maxamed uu qadka taleefoonka kula xiriir jiray Dhalibaaniyiinta islamarkaana uu u fududeyn jiray dagaalada ay ka fulin jireen caasimadda Kapul, sidoo kale ay isla qorsheynayeen weeraro ay ku qaadaan dhismooyinka xukuumadda, weeraradaas oo qeyb ka ah kuwa ismiidaamin ah oo horey loo qorsheeyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gul Maxamed uu Mas’uul ka ahaa bar koontarool badan oo baaritaano lagu smaeyn jiray islamarkaana dowladda uu ahaa Sarkaal muhiim ah marka laga hadlayo ilaalinta ammaanka.
Waxaana la sheegay Sarkaalkan in uu lacag ka qaadan jiray Dhaliban si uu ugu fududeeyo howlahooda.
Xukuumadda ayaa ka walwalsan saraakiisha Police-ka iyo kuwa Military-ga ee loo tababaro ilaalinta amaanka kuwaasoo qaarkood la sheego in ay gacan saar la yeeshaan Dhaliban si ay lacago ugu qaataan.
Marar badan ayaa waxaa horey u dhacday in ciidamo ka tirsan Afghanistan ay rasaas ku fureen ciidamada ajaaniibta ah e ku sugan dalkaas oo tababr u smaeynayay ciidanka Afghanistan lamana oga in ciidamadaasi in ay falalkaas u sameeyeen arrimo shakhsiyadeed amaba in ay ahaayeen ciidan ka tirsan dowladda balse u shaqeynayay Dhaliban.
Ciidamada midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa si weyn ugu lug leh dagaalada ay ciidamada dawlada KMG ee Soomaaliya kula jiraan kuwa Al-Shabab ee Muqdisho ka socda.