Raisul wasaare odinga: Waa Been in aan Olole Doorasho kabilaabay Meru
Published on July 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.JULY.2011″- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in uu dalka ka bilaabay ololaha doorashada ee 2012-ka isla markaana booqashooyinka uu ku marayo qeybo badan oo dalka ka mid ah uu uga gol leeyahay ololo doorasho.
Raila Odinga ayaa sheegay in booqashada uu ku marayo meel badan oo dalka ka mid ah uu uga gol leeyahay sababo hormarineed balse aysan ahayn mid olola uu ugu jiro doorashada soo aadan.
Mr Odinga ayaa ku tilmaamay in ay been abuur yihiin wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in booqashayinkiisa joogtada ah ee deegaanada Meru uu uga gol leeyahay mid uu codad uga raadsanayo dadka deegaankaasi ka hor doorashada guud ee soo socota.
Ra’isul wasaare Raila ayaa ku nuuxnuuxsaday in doorkiisa u halganka xoriyada iyo midnimada ay tahay mid muuqata isla markaana uu wali maskaxda ku hayo midnimada guud ahaan Kenyanka.
Hadalka Ra’isul wasaare Raila Odinga ayaa ku soo beegmaya xili bilooyiinkii ugu danbaysay uu booqashooyiin xiriir ah uu ku tagay deegaano ka tirsan Meru taas oo dad badan ay ku tilmaameen in ay tahay mid uu codad ku raadsanayo maadaama deegaanka Meru uu yahay deegaan codad badan leh.