Ra’isul Waaare Raila: Waan taageersanahay in waqtiga loo kordhiyo gudiga TJRC.
Published on July 14, 2011 by anteno · No Comments
Ra’isal wasaaraha dalka Raila Odinga ayaa tageeray in watiga loo kordhiyo Gudiga Runta cadaalada iyo dib u heshiisiinta dalka ee TJRC.
Kadib Kulan uu kula yeeshay xafiiskiia xubnaha gudiga Runta cadaalada iyo dib u hehiisinta ayuu Raila war uu siyay warbaahinta ku sheegay in uu Taageersanyahay in waqtiga loo kordhiga Gudiga TJRC si ay u soo gabagabeeyaan howlaha u harsan.
Sidoo kale Xubnaha Gudiga TJRc ayaa waxaa ay u dulmareen Ra’isal wasaraaha dalka waxqabadkooda iyo howlaha u harsan oo ay doonayaan in waqti loogu daro si ay u dhamaystiraan.
Sii haya Xilka Godoomiyaha gudiga runta cadaalada iyo dib u heshiisiinta Mr Namajanja ayaa waxaa uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka ay la yeesheen ra’isal wasaaraha iyo sida uu u taageray in Gudiga waqti loo kordhiyo.
Gudiga Runta cadaalada iyo dib u heshiisiinta qaranka ayaa horay ay u Booqday Gobolka Waqooyi Bari halkaas oo ay kula kulmeen dadweyne aad u tirabadan kuwaas oo tacdiyo kala gadisan loo gaystay ,waxaana ay sheegeen in ay jiraan dad kale oo doonaya in ay ka soo hormuuqdaan gudiga, ayna ka hor istaagi karin maadmada gudiga uu yahay mid dadweynaha ay iska Leeyihiin, Islamarkaana la doonayo in waqti logu daro.