15.JULY.2011:- Guud ahaan Caalamka ayaa la sheegay in uu aad u qaaliyoobay qiimaha lagu iibiyo Dahabka, iyadoo loo aaneynayo dhaqaala darrica kajirta caalamka oo ay sabab u tahay deymaha ay qaataan wadamada ay ku hasbatay dhaqaalo la’aanta oo la sheegay in ay noqdeen kuwa aanan dib usoo celin karin deymihii ay ka qaateen banikaga, aduunka, sanduuqa lacagta adduunka iyo qaar kamid ah wadamada horumaray.
Dalka Mareykanka ayaa la sheegay in uus are u kacay qiimiaha Dahabka taasoo lagu sheegay in uu noqday qiimihii ugu badnaa sanadahan dambe.
Khabiir dhinaca dhaqaalaha ah oo u dhashay Mareykanka ayaa sheegay deymaha uu bixiyo mareykanka in ay ugu wacan tahay waxyaabo badan oo sare u kac ku yimid taasoo u baahan in dib u eegid lagu sameeyo si hoos loogu dhigayo sciirka suuqyada Mareykanka oo sanadahan dambe u muuqda mid si aad ahs are ugu kacayo.
Sicir bararka ku saabsan waxyaabo badan oo kala duwan ayaa loo aaneynayaa dhaqaalo darrida kajirta guud ahaan caalamka gaar ahaan dalka Greece oo deymo badan ay siiyeen mareykanka iyo Midowga Yurub iyagoo tilmaamay in ay saameynta dhankooda usoo gudbi doonta haddii aanan si deg deg ah wax looga qaban dhibaatada dhaqaali darri ee soo food saartay dalka Greece.
Sidoo kale Mas’uul u ahdlay mareykanka aya sheegay inw axyaab aha kale ee xdaruuriga xitaa laga yaabo in ay qaaliyooban haddii aanan la qaadin tallaabooyin looga hortagayo arrimahan.