Nin bakistaani ah Oo dad shiica ah kulaayay Dalka Pakistan.
Published on July 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.JULY.2011:- Wararka ka imaanaya Dalka Pakistan ayaa sheegaya in Nin Hubaysan uu rasaas kudilay Dad kasoo jeeda qowmiyada Shiicada ah ee Dalkaas kunool.
Ninkaas Hubaysanaa ayaa Toogtay 11 Qof oo ah shiicada Degta Magaalada Quatia oo ku taala Waqooyi galbeed ee dalkaasi Pakistaan sida ay sheegeen saraakiisha booliska.
Dhamaan dadka waxyeelada la gaarsiiyay ayaa waxaa ay ka tirsanyihiin dadka shiicada Musliinta ee ku nool magaladaas iyadoo dad u dhaxaya 4 ilaa iyo shan uu dhawac ka soo garay weerarka.
Ciidamada Booliska waxaa laga soo xigtay in qof hubaysan oo aan lagaranin uu rasaas ku furay dadkaas oo taagnaan bosteejo gawaarida laga raaco.