Musharaxa Xisbiga ODM ee Kamakunji: Waxaan dalbanayaa in lay Codeeyo
Published on July 30, 2011 by cabdulaahi · No Comments
30.JULY.2011:- Xili shalay maxkmada racfaanka dalka ay qaaday xayiraadii saarnayd doorshada ku caliska ah ee degaanka Kamakunji ayaa Arintaasi waxaa si aad ah u soo Dhaweeyay Musharixiinta u tagan kursiga kamajunji iyadoo shalay Ilaa Iyo xalay Musharxiintaasi hal hal uu ula Soo xariirayeen idcada IstaarFm.
Ibraahim Axmed Jooni oo ah Musharax ka socda xisbiga ODM ayaa wax Lagu farxo Ku Tilmamaya Go’aanka ay maxkmada ku dhawaaqday isagoo sheegay In ay rajaynayaan In si wanaagsan ay ku soo dhamaato doorshadaasi.
Musharaxan Ibraahim Axmed ayaa waxaa uu ka codsay dadka reer kamakunji in isaga ay taageeraan oo ay u codeyaan isagoo xusay in uu yahay qofka Xaqa u leh in Loo doorto Kursikaasi.